Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlad Degaanka Soomaalidu daymo walaaltinnimay u baahan tahay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadka Soomaaliyeed ee kunool dhulka imminka loo yaqaan Itoobiya waxay noloshooda ku jireen halgan xornimo/gobannimo doon ah, oo marxalado kala geddisan soo maray. Marka laga tago dagaallada boqoqrtooyinkii Islaamka ahaa ee Soomaalidu hormoodka ka ahaayeen, qabaa’illada jiidaha deggani waxay hadh iyo habeen ku jireen dagaal aan kala go’ lahayn.

Laga bilaabo aasaaskii Saldanaddii Muslimka ahayd ee Showa (896 to 1285) Geeska Afrika waxa ka jirey isherdi diimeed iyo mid dhuleed oo u dhexeeyey dadkii Abyssinia (Amxaaro iyo Tigree) iyo Dadkii Muslimiinta ahaa ee Soomaalidu hormuudka u ahayd. Dagaalkaasi wuxuu ahaa mid qori isu dhiiba oo Saldanad waliba midda ka danbeysaa kala wareegayso dagaalkii lagula jirey Abasiiniya. Tusaale ahaan, Showa waxa kala wareegay Ifat (1285-1415). Waxay iyana qoriga ku wareejisay Saldanaddii Adal ( 1415 to 1577). Inkastoo aanu dagaalkaas diinta iyo dhulriixu marna ka demin geeska Afrika muddo hakad buu galay, waxase dabkii halganka dib u shiday dabayaaqadii qarnigii 19aad Sayid Maxammed Cabdulle Xasan (AHN) iyo dagaalkii Daraawiishta ee gumasystaha midabadda badan lala galay. Dagaalkaasi wuxuu bilaabay baraarug qawmiyadeed iyo in Soomaali meelay joogtaba u midoowdo la dagaallanka gumaysiga mid cad iyo mid madowba Soomaalina xaq u leedahay inay is xukunto.

Baraaruggii xigay wuxuu noqday kii SYL oo isaguna dabkii Darwiishka halkii ka sii qaaday hadafkiisuna ahaa xornimo Soomaaliyeed, midnimo Soomaaliyeed iyo Dawlad Soomaaliyi yeelato oo qayb ka noqota caalamka. Intaa dabadeed dhalashadii dawladnimada Soomaaliyeed ee labadii qaybood ee xoroobay 1960 waxay tuurta u riteen inay dareenkii Soomaalinnimada iyo halgankii loogu jirey xuquuqda dadka Soomaaliyeed iyo dhulka Soomaaliyeedba ay dawladdii curatay masuul ka tahay dabkiina aanu bakhtiyin ilaa laga xaqiijinayo xorriyadda dhulka iyo dadka Soomaaliyeed ee Geeska Afrika.

Dagaalladii dhacay 1964 iyo 1977 waxay qayb ka ahaayeen halkankaa qori-isudhiibka ah. Jabhaddii Xoraynta Soomaali Galbeed iyo Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya oo iyadu weli dabkii oo nool sidda waxay qayb ka yihiin halgankaa dheer.

Sheekh Bashiir, Xaaji Faarax Oomaar, Maxamuud Xarbi, Sheekh Xasan Barsame, Nasiib-Buundo iyo qaar kaloo badan oo ay ka mid ahaayeen kuwo badan oo lagu deldelay Jigjiga iyo Dirirdhabe, kuwo ku dhintay xabsiyada iyo Malaayiin dagaalladaas qarniyada socday ku dhintayba waxay sababsadeen halgankaa aan weli dhammaan ee ilaa maanta taagan oo nool.

Dulucda qormadaydani waxay daarran tahay isbeddelkii ka dhacay Itoobiya 1991kii ee nidaamka Federaalka ah lagu unkay dadka Soomaaliyeed lamuu jaanqaadin wax weyn oo ugu kordhayna ma jirto aan khasaare iyo tafaraaruq Soomaalida dhexdooda ahayn. Maanta waxa taagan marxalad cusub oo kala guur ah oo ummadda Soomaaliyeed ee gobolkaas DDS deggani ay ku sixi karaan khaladkii ay sagaashameeyadii galeen. Waxaa loo baahan yahay qolada hadda talada haysa ee Madaxweyne Mustafe M Cumar iyo guddoomiye Axmed Shide inay la yimaadaan talo Soomaaliyeed oo aan kooxaysnayn, aan reeraysnayn, aan gobolaysnayn, aan u adeegayn shisheeye, ka xor ah dan qof xukun raadinaya, ka xor ah qof xukun laga raadinayo oo la qanciyo (amaba aan Abiyaysnayn amaba Oromayasnayn).

Qolada labaad ee aan la hadlayaa waa ONLF ama JWXO, oo hadda u muuqata xoog abaabulan waayo-arag ah, haysata shacbiyad ballaadhan oo xukunkii Cabdi Iley iyo kan Mustafe labadaba ka niyad jabsan. ONLF waxa looga baahan yahay inay sidii Xisbi Siyaasiya isu abaabulaan ogaadaana tabihii hore ee jabhadnimada tabo ka geddisan ayay siyaasadda bulshadu u baahan tahay. Waxa loo baahan yahay dhegeysi, debecsanaan, furfurraan, lasocosho xogaha cusub iyo xidhid xadhko siyaasadeed ( rules of the game have changed). Si kale haddaan u idhaahdo waxa loo baahan yahay dhaantadii jabhadnimada inay ku beddelaan “DHAANTO SIYAASADEED”, dhaanto u wada cuntami karaysa dad fikrado kala geddisan aaminsan, aqoon kala geddisan leh, gobollo kala geddisan ku kala nool, damac kala geddisan leh.

Soomaalida kale waxaan kula talin lahaa inay aad dhegaha ugu furaan indhahana ugu hayaan waxa ka socda DDS ogaadaanna haddii DDS Soomaalida deggani guulaysto inay tahay guul Soomaaliyeed, hadday hagaasaanna sidii sagaashameeyadii Soomaalida kalena la hagaasayso. Wixii ka dhaca DDS waxay saamayn togan ama taban oo toosa ku yeelanaysaa Soomaaliya. Haddii aynu helno dad Soomaaliyeed oo xor ah oo xooggan oo talada Itoobiya aan marti ka ahayn ee wax ka goynaya wixii aynu ka caban jirney ee Itoobiya inagaga imaan jirey way yaraanayaan ama maba jirayaan. Waa inaynu ka shaqaynaa oo taageernaa oo xoog iyo xoolo iyo maskaxba ku bixinnaa sidii dadka DDS ay u midoobi lahaayeen taladooda u hanan lahaayeen, ta weyn ee Itoobiyana mustaqbalka dhow u hawaysan lahaayeen.

Gebagebadii inta aan Itoobiya xoogaysan xukunkeeduna adkaan ayaan haysannaa fursad aan dib ugu sixi karno khaladaadkii taariikheed ee aynu hore u galnaye yaanay maanta arrintu faraheenna ka bixin. Ogaadana haddii waqtigan maanta taagan ee Itoobiya kala daadsan tahay ee qawmiyaduhu kala wada shakisan yihiin aynaan is abaabulin oo si fiican u gorgortamin waxa la gaadhayaa waqti qawmiyaduhu midoobaan, ama xukunku adkaado oo sidii Tikreega qolo wax muquuniso ama labaduba dhacaan oo dabadeedna sideennii goonni laynoo saaro oo geeska laynagu feedho. Waxa keliya ee qawmiyadaha Itoobiya heshiiska ku yihiin waa in Soomaalida la takooro, intaanay inoo midoobin aynu midoowno oo meel isa saarno.

Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
dalmarbilaal@gmail.com

Dhamaan maqaalada shabakadani ku soo baxaa ma ah kuwo matalaaya habsami u socodka shabakada, waxana fikrada mid ka mid ah akhrisayaasha sida kor ku xusan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this