Sign in to follow this  
Deeq A.

Howl-gallo Muqdisho ka dhacay oo lagu qabtay Al-Shabaab badan + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed  Jeneral Zakiya Xuseen Axmed ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixisay ciidamada dowladda Baaritaano ay ka sameeyeen Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.

Zakiya Xuseen ayaa shaacisay in howlgalada ciidamada ay yihiin kuwo lagu guuleystay, islamarkaana laga sameeyay Afgooye, Ceelsha Biyaha, Heliwaa, Seybiyaano iyo Suuqa Bakaaraha.

Waxaana lagu qabtay ku dhawaad 16 ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab, sida ay saxaafadda u sheegtay taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Zakiye ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada ay soo saareen miinooyinka dhulka lagu aasay, sidoo kalana ay ku raad joogaan dad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab kuwaasi oo bam gacmeed ku weeraray ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Miinooyinka kale ee lasoo saaray ayay ku sheegtay inay ku jiraan nooca Taangiga, kuwaasi oo la geliyay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ay sheegtay in la doonayay in gaadiidka wadadaasi adeegsado lala beegsado.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday baaritaano lagu sameynayay xaafadaha magaalada Muqdisho, iyo deegaanada ku yaala duleedka magaalada.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this