Deeq A. Posted April 16, 2019 Hooyada dhashay Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar yar oo kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Gaalkacyo ayaa maanta warbaahinta u sheegtay in kadib mudda 2 bilood ah oo ay caddaalad sugaysay ay shalay gurigeeda ugu yimaadeen saraakiil ka tirsan CD-da Puntland ayna weydiiyeen halkii Caa’isha lagu dilay iyo markii la dilay kadib halkii la soo dhigay. Waxay sheegtay in saraakiisha shalay u yimid ee weydiiyay su’aashaasi ay ahaayeen kuwii maalintii maydkeeda la helay guriga yimid ee baaritaanka samaynayey waxaana ay sheegtay in lagu wargeliyay in mar kale dib loo baarayo. Hooyadan ayaa caddaalad-darro ka sheegatay dowladda Puntland gaar ahaanna mas’uuliyiinta magaalada Gaalkacyo iyadoo dalbatay in caddaalad loo sameeyo gabadheedii saqiirka ahayd ee sida foosha xun loo dilay. Xubno kale oo ka tirsan qoyska gabadha ayaa iyagoo ilmaynaya dowladda ka dalbaday in caddaalad loo sameeyo oo sharciga la horkeeno dadka loo hayo kufsigii iyo dilkii Caa’isha. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Caa’isha hooyadeed oo sheegtay in ay caddaalad wayday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites