Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Amisom oo qarax culus lagu eegtay Muqdisho iyo rasaas xooggan oo ay ku fureen shacab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaraya ayaa sheegay in qarax xooggan ciidamada Amisom lagula eegtay isgoyska Ex-Control Baclad ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino dulka lagu aasay oo haleeshay kolonyo babauur ah oo ay la socdeen ciidamada Amisom.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ciidaamda Amisom kasoo gaaray qaraxa, hase yeeshee dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ay fureen ciidamada Amisom kadib qaraxa.

Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this