Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka dalka Uganda ee illaalinayay madaxtooyada, dakadda iyo garoonka oo maanta Muqdisho ka baxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka socday dalka Uganda ayaa isaga baxay Muqdisho, kuwaas oo dhameystay shaqadooda halka sano ahayd ee ay ka hayeen howlgalka Amisom ee Soomaaliya, waxaana lagu beddelay ciidamo cusub.

Ciidamadan ayaa waxaa ay masuul ka ahaayeen Xarumaha ugu muhiimsan dalka sida Madaxtooyada, Baarlamaanka, Dekadda Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo meelo kale oo ka mid ah Muqdisho.

Saraakiil ka socda Howlgalka Amisom ayaa munaasibad sagootin ah ugu sameeyay Magaalada Muqdisho, waxaana la guddoonsiiyay billado sharaf ay ku muteysteen howsha ay ka hayeen Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ee dalka ka baxay ayaa sidoo kale ku sugnaa Gobolka Shabeellaha hoose sida, Balli-doogle, Afgooye, Laanta Buuro, Arbacow, iyo Carbiska.

Waxaa lagu soo beddelay Guuto kale oo la wareegtay dhamaan howlihii Ciidamada ka baxay Soomaaliya, kuwaas oo laftooda todobaadkii hore soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Taliyaha CiidankaUganda ee Soomaaliya Michael Kabango, ayaa aad u bogaadiyay Ciidamadaas oo uu sheegay in ay howl wanaagsan ka qabteen Soomaaliya si wanaagsanna u guteen shaqadooda.

Taliyaha Guutada ka baxday Soomaaliya Col. Jackson Kayanja ayaa sheegay in Guulaha guutadiisa ay gaartay ay ka mid tahay qabsashada Degaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellaha hoose, sidoo kalena ay ka hortageen Qaraxweyn oo ay Alshabaab ku diyaariyeen degaankaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this