Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaq dhaqaaqyo milatari oo ka socda Dhoobley

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhoobley (SMN) – Wararka ka imaanaya Xadka kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Ken ayaa sheegaya in maanta dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka socdaan halkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ay uga wadaan deegaano hoostaga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Ilo dadka deegaanka ahaa Shabelle u sheegay in ay arkayeen Ciidamada fara badan oo u ruqaansaday deegaano dhaca dhanka xadka labada dal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladdu ay tahay mid kacsan, maadaama deegaandasi ay fariisimo ku leeyihiin Al Shabaab.

Dhawaan ayey aheyd markii saraakiisha Jubbaland ay shaaciyeen in ay bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al Shabaab, kuwaas oo looga saarayo gobollada Jubbooyinka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this