Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-bax aamusan oo kufsiyada looga horjeedo ayaa Garowe ka dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dibad-bax aamusan oo looga horjeedo kufsiyada ku soo banadaya degaannada Puntland,  ayaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Haween iyo dhalinyaro iskood isu abaabulay oo dalbanayaa in ay caddaalad helaan dhibbanayaashii loo geystay kufsiga iyo dilka, ayaa socod dheer ku maray laamiga xiriiriya magaalada iyo wasaaradaha  dowladda ee buurta, iyagoo albaabka u istaagay wasaaradaha; Haweenka, Arrimaha gudaha iyo Caddaaladda ee arrintani khusayso.

Mudaharaadkan soconaya ma joojinayno ilaa la helo caddaalad. Caddaaladu hadal maaha, caddaaladu waa ficil la sameeyo; waa kufsadihii oo la soo qabto oo la mariyo sharcigeenna iyo constitution-ka Puntland waxa uu qorayo” ayaa tiri gabar kamid ah dibad-baxayaasha.

Maanta Waxaan u soo baxnay kacdoon la baxay: Caddaalad-doon, waxaan dalbaynayaa saddex shay oo kala ah; in caddaalad la helo, in xogta baaritaannada lala wadaao bulshada iyo midda saddexaad oo ah in idiin sheegno  in dibax-baxdayada aanan joojin doonin inta caddaalad laga helayo” ayay tiri gabar kale oo halkaasi ka hadashay.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xafiiskiisa uga soo baxay dibad-baxayaasha, ayaa u sheegay in dowladda Puntland ay sida ugu dhakhsaha badan caddaalada u horkeeni doonto dadka loo hayo kiisaskii kufsi ee dhacay.

Sidoo kale, wasiirka Haweenka  Aamino Cismaan Xaaji jaamac ayaa dibad-baxayaasha u xaqiijisay, in odoyaasha dhaqanka beelaha aan dowladdu wax door ah ka siin doonin kiisaska kufsiga ee dhacay, balse si toos ah caddaaladda loo horgeyn doono cid kasta oo arrimahaasi ku eedaysan.

Halkaan ka eeg sawirro

1-5.jpg?w=1000&ssl=1 2-4.jpg?w=1000&ssl=1 3-4.jpg?w=1000&ssl=1 4-4.jpg?w=1000&ssl=1 5.jpg?w=1000&ssl=1 6-1.jpg?w=1000&ssl=1 7-1.jpg?w=1000&ssl=1 8.jpg?w=1000&ssl=1 8-1.jpg?w=1000&ssl=1

P

9-1.jpg?w=1000&ssl=1 10.jpg?w=1000&ssl=1 10-1.jpg?w=1000&ssl=1 13-1.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dibad-bax aamusan oo kufsiyada looga horjeedo ayaa Garowe ka dhacay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this