Deeq A. Posted April 16, 2019 Kaaraan (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil maanta Askari ka tirsan Ciidamada dowladda qof shacab ahaa uu ugu geystay isgosyka Sana degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Dilkan ayaa la sheegay in uu yimid, kadib markii Marxuumka iyo Askarigu uu soo kala dhexgalay muran sababay gacan ka hadal. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawac fudud marka hore la gaarsiiyay Askariga dilka geystay , kadibna uutoogasho ku dilay ninkaas oo la soo warinayo in madaxa looga jiray. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Askarigii ka dambeeyay dhacdadaasi uu goobta isaga baxsaday. Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana dib u soo noqday dhaq dhaqaaqa Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites