Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo barqadii maanta ka dhacay magaalad Baydhabo ee xarunta G/Baay.

Shilka ayaa yimid, kadib markii Gaari kuwa Xabaara Wiishka uu ka dhacay Buudada Isha Baydhabo ee magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyay waxa shilkaasi ku dhintay illaa labo Qof, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale.

Dadka dhintay aya kala ahaa darawalkii gaariga waday iyo Wiil arday ah, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga shilka galay ay laheyd shirkad bixisa adeegga Korontada ee ka howgasha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ma jiro illaa hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada oo ku aadand hdhcdadaas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this