Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin:-Sidee kuleeluhu uu saaameyay Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Mar kasta oo ay xaaladi soo kororto waxaa qasab ah in ay wax walbaa iska bedalayaan dabeecadihii hore.

Bishan aynu ku jirno ee April waxaa ay ka mid tahay bilaha kulul sanad kasta.

Magaalada Muqdisho marka aad iminka ku soconeysid waddooyinkeeda indhahaagu waxa ay soo qabanayan miisas cusub oo lagu iibinayo cabitaano ka sameysan qudrad kala duwan.

Nuuradiin waxa uu Isgosyka Xaaji Baasto ku leeyahay miis lagu iibiyo cabitaanada qabow, Shabelle waxuu u sheeegay macamiishu in ay badan tahay, xilligan oo uu jiro kuleel daran.

Waxaa waqtigan kuleylaha sidoo kale Caasimadda ku soo kordhay gaari gacano lagu dul iibanayo geed miroodka Qaraha, dadka ayaana si aad ah u iibsanaya, iyaga oo ka raadinaya qabow.

Dhinaca kale kuleelka xaddhaafka ah ee ka jira Muqdisho wuxuu qaar ka mid ah bulshada u horseeday cuduro kala duwan.

Cabdirashiid Maxamed C/laahi waa maamulaha isbitaalka Soomaali Syrian waxuu sheegay in ay hayaan kiisas badan oo ka dhashay kuleylka.

Cudurada ay qabaan bukaanadaas waxaa ka mid ah neef qabatin iyo shuban biyood.

Dhaqaatiirtu talo ahaan waxa ay dadka taagta daran u soo jeedinayan in xilliga ay cad ceedu kulushahay aysan soo socon, islamarkaana ay iska ilaaliyaan biyaha an nadiifka aheyn.

Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this