Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaasaska Madaxweynihii Hore Ee Suudaan Oo Laga Hor-Joogsaday Inay Dhoofto

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jubba)-Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa la sheegay inay Xaaska 2-aad ee Madaxwihii hore ee dalka Sudan, Cumar Xasan Albashiir iyo carruurteeda iyo Walaalkiisa u diideen fasax ay kaga dhoofaan dalka Koonfurta Suudaan.

All-750x430.jpg

Shabakadda Wararka ee Masraawi ee dalka Masar ayaa qortay in Xaaska 2-aad ee Albashiir oo lagu magacaabo Widaad Babikar Cumar iyo carruurteeda iyo Nin la dhashay Albashiir oo lagu magacaabo Cabdillaahi Xasan Al-bashiir ayaa la hor joogsaday inay ka ambabaxaan Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba, iyagoo raaci lahaa Diyaarad Rakaab oo ku sii jeeday caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Dubai.

Shabakadda Masraawi waxay kaloo qortay inay Dowladda Suudaan ka codsadeen Qaraabadda Alshabaab inay isku tijaabiyaaan inay Khartoum kaga dhoofaan dalka Imaaraadka Carabta, ee aysan ka dhoofi karin Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jubba.

Widaad Babikar Cumar waxay iyada iyo carruurteeda bishan April 10-dii ka soo dhoofeen Khartoum, hal maaalin ka hor Afgembigii Albashiir, waxayna maalmihii la soo dhaafay ku sugnayd Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba.

Dhinaca kale, Albashiir walaalkiisa, Cabdillaahi Xasan Al-bashiir waxa la sheegay inuu tan iyo bishan April 6-dii socdaal Ganacsi ku joogay isla Caasimadda Koonfurta Suudaan ee Jubba.

Si kastaba ha ahaatee, arrinta Xayiraaddooda ayaa timid, kadib, markii Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al-bashiir xilka laga tuuray bishan April 11-di, waxayna Millitreigii afgembiyey sheegeen inay Xabsi Guri ku hayaan.

Albashiir waxa uu talada dalkaasi hayey tan iyo bishii June 30-dii ee sannadkii 1989-kii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this