Deeq A. Posted April 16, 2019 Mudaharaad aamusan oo looga horjeedo kufdsiyada ka dhaca Puntland ayaa saaka ka socda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Muddaharaadkan oo ay soo abaabuleen haweenka iyo dhalinyarada magaalada Garoowe ayaa lagu dalbanayaa in cadaaladda la marsiiyo dadka ku eedaysan kufsiyada ee ku jira xabsiyada Puntland. Qaar kamid ah haweenka iyo dhalinyaro Garoowe oo wata boorar ay ku xardhan yihiin ereyo looga horjeedo kufsiga ayaa socod ku maraya laamiga iyo barxadda weyn ee Garoowe waxaana ay dalbanayan in cadaaladda la mariyo dadka loo hayo kiisaska kufsiga ah ee Puntland ka dhacay. PUNTLAND POST The post Garoowe: Mudaharaad aamusan oo kufsiga looga horjeedo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites