Deeq A. Posted April 16, 2019 Ganacsade Soomaaliya oo xalay lagu dilay dalka Koonfur Africa Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in xalay koox budhcad ah ku dishay magaalada King Willaims Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cumar. Sidoo kale kooxda budhcada ah ayaa la sheegay in ay qaateen lacag u taalay Goobtiisa Ganacsi, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday. Dhinaca kale Budhcad Koonfur afrikan ah ayaa weeraray goobo ganacsi ay Soomaali leedahay oo ku yaalla xaafada Mayfair Magaalada Johannesburg, waxaana ay dhaawaceen muwaadin soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Ismaaciil, iyaga oo sidoo kale boobay hantidii taallay goobhtiisa Ganacsi. Toddobaadyadii ugu danbeeyay dalka Koonfur Africa waxaa ka jiray culeys dhinaca Amniga ah oo soo wajahay soomaalida,isla markaana dukaanadooda la boobayey,waxaana xusid mudan in Habeen ka hor isla dalkaasi Koonfur Afrika lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nuur Dheere. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites