Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Ku Taalla Dalka Sweden Oo Xabsi Daa’in Ku Xukuntay Nin Soomaali Ah Oo Dilay Gabadh Uu Saaxib La Ahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Gothenburg)-Maxkamad ku taalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa xabsi daa’in ku xukuntay nin Soomaali ah oo dilay gabadh uu Saaxib la ahaa sanadkii hore 2018.

nin-somali..-696x933.jpg

Yuusuf Shiiraar Xuseen oo 35 jir ah ayaa lagu soo eedeeyay inuu dilay gabadhaas, kaddib markii ay isku dayday inay xidhiidh u jartay.

Waxaa uu Maxkamadda ka hor qirtay inuu dilay gabadha, una adeegsaday dilkeeda bir uu kala dhacay madaxa iyo feeraha.

Meydka gabadha ayaa laga helay gurigii ay deganeyd, waxaana Booliska ay sheegeen inuu ka muuqday jirdil xooggan.

Ninkan ayaa la sheegay in markii uu dilay kaddib uu la xidhiidhiy Booliska, kadibna ku wargeliyay dhacdada dilka ah.

Dhacdooyinka dilalka ah ee Ragga Soomaalida u geystaan Haweenka ayaa ku soo kordhaya dalalka reer Galbeedka, waxaana dhowaan ay aheyd markii Mareykanka ay ka dhacday laba dhacdo oo naxdin ah oo labo nin Soomaali ku dileen xaasaskooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this