Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Dilay Waddanka Koonfur Africa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-King Willaims)-Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in xalay koox budhcad ah ku dishay magaalada King Willaims Ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cumar.

2019416636909795138775127Capture-3.jpg

Sidoo kale kooxda budhcad ah ayaa la sheegay inay qaateen lacag u taalay Goobtiisa Ganacsi, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.
Dhinaca kale Budhcad Koonfur afrikan ah ayaa weeraray goobo ganacsi ay Soomaali leedahay oo ku yaalla xaafada Mayfair Magaalada Johannesburg, waxaana ay dhaawaceen muwaadin soomaaliya oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Ismaaciil, iyaga oo sidoo kale boobay hantidii taallay goobhtiisa Ganacsi.

Toddobaadyadii ugu danbeeyay dalka Koonfur Africa waxaa ka jiray culeys dhinaca Amniga ah oo soo waajahay soomaalida, isla markaana dukaanadooda la boobayey, waxaana xusid mudan in Habeen ka hor isla dalkaasi Koonfur Afrika lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nuur Dheere.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this