Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee ayay DF ugu fashilantay xal u helidda Khilaafka madaxda Galmudug ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay xalinta Xiisada u dhaxeysa madaxda maamulka Galmudug.

Khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug ayaa muddo soo jiitamayay, waxaana madaxweyne ku xigeenka uu sheegay in dowladda aysan marnaba raadin sidii xal loo gaari lahaa.

Carabeey, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya laga doonayay inay mar hore xal rasmi ah ka gaarto khilaafka mudada soo jiitamayay ee u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug, balse aysan dhicin taasi.

Wuxuu sidoo kale Nasiib daro ku tilmaamay in khilaafka uu saameeyay dadka deegaanka walina uu ka taagan yahay Galmudug, balse wuxuu sheegay in muddo yar kadib uu iska dhamaan doono Khilaafka.

“Waa Nasiib daro runtii, laakiin wey iska dhamaan doontaa, muddo yar ayaa ka hartay, sababtana waxay tahay waxaa fashilmay dadkii howshaan laga rabay, runtii ma jiro khilaaf gooni ah oo inoo dhaxeeya aniga iyo madaxweynaha”

“Waxaa kaloo fashilmay dowladda Soomaaliya oo laga doonayay in mowqif cad ka istaagto sidii arintaan loo xalin lahaa, islamarkaana loo  xukmin lahaa ruuxa saxan”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Madaxda Galmudug ayaa labo u kala qeybsantay, waxaana xarumo ay ka kala dhigteen Magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Cadaado, iyagoo sidoo kale doorashooyin is diidan ay ku kala qabteen labada Magaalo.

Sida dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso bisha July ee sanadkaan doorasho ayaa la filayaa inay Galmudug ka dhacdo, doorashadaasi oo lagu badali doono hogaanka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimad@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this