Deeq A. Posted April 16, 2019 Jabuuti (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa xaqiijiyey in duqeyn diyaaradeed oo dalka Soomaaliya ay ka fuliyeen lagu dilay hoggaamiye ku xigeenkii kooxda Daacish ee Soomaaliya, Cabdixakiim Dhuqub. Dilka Dhuqub ayaa waxaa sabtidii sheegay maamulka Puntland. Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Dhuqub lala beegsaday baabuur uu saarnaa uu ka dhacay deegaanka Xiriiro ee gobolka Bari. Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Dhuqub uu msas’uul ka ah howl maalmeedka kooxda, qorsheynta weerarada iyo helista macluumaadka. Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa ah koox aad u yar tiro ahaan, waxaana saraakiisha Mareykanka ay rumeysan yihiin inay yihiin qiyaastii 150 dagaal-yahan. Waxay aad ugu yar yihiin kooxda Al-Shabaab oo lagu qiyaaso 5,000 oo askari. Daacishta Soomaaliya ayaa waxaa hoggaamiya Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo horey uga goostay kooxda Al-Shabaab, waxaana xoogeeda ay ka howl-gashaa gobolka Bari ee maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites