Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo hortaagan xisbi uu furan lahaa Taabid

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir iyo duqii Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed ayaa 3 jeer is hortaag lagu sameeyay Xisbi siyaasadeed uu ka furan lahaa Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen xubno katirsan Guddiga doorashooyinka Qaranka.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ee qaabilsan diiwaan gelinta Xisbiyada ayaa xubno sare oo u xilsaaran dhismaha Xisbiga Taabid ku celiyay mudo 3 jeer ah Documents ay soo gudbiyeen waxaana markii dambe la helay xog ku aadan in laga soo celiyay Xafiiska Raysal Wasaare Kheyre.

Ragaan ayaa markii koowaad oo ay keeneen loo sheegay in sharciyada ay Guddiga qaateen hore Guddi kale u qaatay, markii labaad ayaa loo sheegay in Sharciyada qaab dhismeedka Xisbiga uusan aheyn Nidaamka loo rabo Xisbiyada Soomaaliya, halka markii saddexaadna lagu celiyay qalad aan lala wadaagin oo la sheegay in uu ka jiro Astaanta iyo Calanka Xisbiga.

Taabid ayaa intaasi kadib badalay Sharciyaqaankii u xilsaarnaa sharciyada iyo dhismaha Xisbigiisa walina waxba uma hagaagin. Saraakiil katirsan Xafiiska Raysal Wasaare Kheyre ayaa Taabid Cabdi Maxamed u sheegay in 3 jeer Xisbigiisa laga celiyay Xafiiska Guddiga sabab la xariirta galaangal ka yimid dhinaca Kheyre.

Taabid Cabdi ayaa laga qaaday Xilka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir bilaawgii 2018 markii ay is qilaafeen Raysal Wasaaraha Soomaaliya balse hada waxaa jira dadaalo ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in la isu keeno Taabid iyo Kheyrre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this