Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhan Cumar oo wajahaday Xaalad khatar ah 

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilhan Cumar oo wajahaday Xaalad khatar ah

  • Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inay halista kusoo badatayIlhaan Cumar ayaa sheegtay inay halista kusoo badatay

Ilhaan Cumar oo ka mid ah wakiillada matala xisbiga Dimuqraaddiga ayaa sheegtay in ay kusoo bateen hanjabaadaha loogu jeedinayo in la dilayo, tan iyo markii uu dhawaan madaxweyne Domald Trump bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal iyo muuqaal ku saabsan khudbad ay jeedisay bishii lasoo dhaafay, sida uu shaaciyay Telefishinka CNN.

Gabadhan oo laga soo doortay gobolka Minnesota ayaa sidoo kale sheegtay in Trump uu dhiirrigaliyay xagjiriinta garabka midi gee qalalaasaha kiciya.

Hase ahaatee xog hayaha dhinaca saxaafadda ee aqalka cad Sarah Sanders ayaa Axaddii gaashaanka ku dhufatay eedeymaha noocaas ah.

“Tan iyo markii uu madaxweynaha qoraalkiisa uu muuqaalka la socday Twitter-ka soo dhigay Jimcadii, waxaan arkay in ay sii kordheen khataraha ku wajahan nafteyda, in badan oo ka mid ah waxay si toos ah u soo xiganayaan muuqaalka uu soo dhigay. Waxaan u mahad celinayaa booliska Capitol, FBI-da, ciidamada aqalka iyo afhayeenka aqalkaba sida ay uga walaaceen hanjabaadahan”, ayaa lagu yidhi bayaan ay Ilhaan soo saartay galinkii dmabe ee Axadda.

Afhayeenka Koongareeska Nancy Pelosi ayaa sheegtay inay amaanka Ilhaan Cumar kala hadashay saraakiisha ciidanka ilaalada aqalka, ayna ku amartay in si xoog leh loo adkeeyo amnigeeda.

Donald Trump ayaa Twitterkiisa soo dhigay muuqaal laga arkayo Ilhaan Cumar oo khudbad jeedinaysay bishii lasoo dhaafay, isagoo dusha uga qoray “waligeen ma illoobi doonno”.

Twitter waxaa daabacay @realDonaldTrump: WE WILL NEVER FORGET!

Muuqaalka oo la jarjaray ayaa lagu celceliyay erayada ay dhaheysay qaarkood, taasoo dadka Ilhaan taageera ay u arkeen mid lagu muujinayo Islaam nacayb.

Waxay Ilhaan muuqaalkaas uga hadleysay guddiga lagu magacaabo CAIR ee gobolka Calofornia, kaasoo ka shaqeeya xiriirka Mareykanka iyo Muslimiinta.

Trump ayaa sidoo kale muuqaalkaas kusoo dhex daray qeybo jarjaran oo ka mid ah weerarkii 9/11 ee lagu qaaday daarigii dhaadheeraa ee Mareykanka

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this