Deeq A. Posted April 16, 2019 Waxa jiri jiray Nin aad u dhabcaal ahaa (bakhayl ) aadna u lacag jeclaa , noloshiisii oo dhanaa wuxuu ku qaatay lacag ururin, berigii danbe ayuu gaboobay oo xanuunsaday , isaga oo sakaraad ah ayuu xaaskiisii la sii dardaarmay , wuxuu ku yidhi waxaan doonayaa inaan kula inaan kula sii dardaarmo iina ballan qaadin inaad fuliso arinkan aan kuu sheegi doono , oo ah haddii aan dhinto waxaan doonayaa in aad lacagtayda oo dhan ila xabaasho , oo iilka laygula rido , si aan aakhiro ugu qaato . Xaaskiisii way u ballan qaaday inay dardaarankiisa u fuliso . Laba casho kadib ayuu odaygii dhintay (geeriyooday) , Markii la kanfay ee la damcay in laqaado suga , inta ay ag-fadhiisatay maydkii ayay kafantii meel ka dilaacisay , oo ay gelisay sanduuq yar , kadibna qaada ayay tidhi . Saaxiibadeed ayaa waxay waydiisay : Naa ma dardaarankiisii baad fulinaysay , oo lacagtii oo dhan baad kafantiisa meel ka gelisay ? Waxay ugu jawaabtay : haayoo dee waan u ballan qaaday , oo dardaarankiisii waa inaan u fuliyaa. Gabadhii oo aad u cadhootay baad ku tidhi : Naa shaw bahal nacas ah baad tahay , oo aan abddo (faa’iido) lahayn , anna waxaan ku moodaayay inaad intaa dhaanto . Iyada oo aan cadhoon ayaa waxay ugu jawaabtay : waayo miyaanay xoolihiisii ahayn ? Gabadhii oo aad u cadhaysan ayaa hadana waxay weydiisay :Naa ma kaa dhab-baa iminka ? Waxay ugu jawaabtay : horta saaxiibay lacagtii oo dhan inta aan ururiyay , ayaan baankaygii ku shubay (accoun -kaygii) , ka dibna (check) jeeg ayaan u qoray saygaygii (ninkaygii)oo magaciisii ku qoray iyo tiradii lacagta , jeegiina kafantiisii ayaan u geliyay , sidaasna dardaarankiisii waan sameeyay , ballan qaadkaygiina waan u fuliyay , bal hadaba isagu jeegga aakhiro ha ka sarifto . Hadaba waxa iswaydiin leh , xukuumadda kulmiye ee shaqadoodu noqotay lacag urursi iyo dhac hantida dalka iyo dadka , ee weliba tartanka ugu jira , sidii ay wax u boobi lahaayeen oo qudha . Bal xaggee bay wax u urursanayaan , ma akhiro ayay ganacsi kaga geli doonaan ? mise aakhiro ayay guryo kaga iibsanayaan ? mise waxay moodayaan in naarta jahanama lacag lagaga badbaado ? mise waxay moodayaan in janada lacag lagu iibsado ? Hadaba ogow lacagta aad urursatay ee xaaraanta ah, aakhiro waxba kaaga tari mayso aan ahayd cadaabta oo lagu geliyo , ogowna aakhiro xisaab-baa taala . Hadaba idinka oo aakhir-cimri taagan , maxaydun ilaahay la hortegi doontaan . Ilaahayaw khaatumada ha na seejin . aaaamiin . Ilaahayaw khaatumada khayr nooga dhig . aaaamiin CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News Share this post Link to post Share on other sites