Deeq A. Posted April 15, 2019 Daayeer ayaa cadaalad darro iyo sinaan la aan diiday . Culimada xayawaanka ayaa waxay ogaadeen , iyaga oo cilmi baadhis ku sameynaaya DAAYEER , inaanu DAAYEERKU ogolaan in CADAALAD DARRO iyo SINAAN LA AAN lagu sameeyo , oo aanu aqbalin , haddii lagula dhaqmo . Culimadu waxay u fiirsadeen iyaga oo DAAYEER yar oo qafis ku jira , waxay ka codsadeen inuu dhagxanta yar yar ee qafiskiisa taalla uu u soo dhiibo xabbad xabbad , kolka uu marba mid soo dhiibona , waxa abaal marin loo siinaayey xabbad yar oo khiyaar ah , isna si deg deg ah ayuu u cunaayey , si uu mid kale u helo , aadna shaqadaa wuu ugu faraxsanaa . Hadaba waxa la arkey DAAYEERKII kale ee yaraa ee qafiska ku xigey ku jiey , oo aad iyo aad u cadheysan , marka uu arko iyada oo khiyaar la siinaayo , kii la jaarka ahaa , si xunna wuu u eegaayey , indhahana aad buu ugu gubaayey . DAAYEERKII yaraa intuu qafiskii gilgiley , ayuu jebiyey , kabacdina khiyaarkii buu boobey , meel halkaas ah , intuu la tegey ayuu ka dhergey . Markaasaa waxa la ogaadey , in aanu DAAYEERKU qaadan in lagula kaco CADAALAD DARRO iyo SINAAN LA AAN TOONNA . Hadaba xukuumadda kulmiye waxa ay wado , maaha wax laqaadan karo , (CADAALAD DARADA – SINAAN LA AANTA – SHARCI KU TUMASHADA -MUSUQMAASUQA- QABYAALADDA ) iyo wax yaabe kale oo badan . Hadaba sida ay maanta u ogolaatey in shirkii GOLAHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA la qabto ( si kasta oo ay istidhi ku jooji , way joojin kari waydey ) , arimaha kale ee ay xukuumaddu diidan tahayna , way ogolaan doontaa , ee arintan wax haku qaadato , waxna ha ka barato . MA WAXA UU DAAYEERKU DIIDEY BAYNU QAADANAA ? CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News Share this post Link to post Share on other sites