Sign in to follow this  
Som@li

Nin Dhimashadiisu Ay Sababtay Haweeney Odaygeeda Qurbo-ku-noole Ahaa!!!

Recommended Posts

Som@li   

Mashaqo ba’an ayaa loo arkay fal xalay ka dhacay Xaafadda Xuddur-weyne ee Degmadda Wanle-Weyn, ka dib, markii halkaasi si xun loogu dilay nin dhallinyaro ah oo la jiifay Haweeney la qabay.

 

Wararka naga soo gaarayo Tuulladaasi, ayaa waxay sheegayaan inay koox dhallinyarro ah oo la ehel ah Haweneydaasi ku soo qammaameen gurigeeda, halkaasi oo ay kala soo baxeen Nin iyada la jiifay, kaasi oo sheegtay inay haweneydu tahay xaaskiisa.

 

Goobjoogayaal ku sugnaa Xaafadaasi, ayaa waxay sheegeen inay kooxdii dhallinyarradda ahayd xariga laba-diblo ugu xireen Ninkii ay ka soo kaxeysteen, ka dibna, waxay ku sameeyeen jir dil, iyagoo la dhacay budhadh, ilaa uu ka miyir-doorsamo.

 

Markii dhibanahaasi uu sakaraaday, ayey ku dhex rideen god ay horey u soo diyaarsadeen, halkaasi oo uu ugu dambeyntii ku geeriyooday.

 

Odayaasha Xaafadda, ayaa waxay ugu dambeyntii ku guuleysteen inay Maydka ka soo bixiyaan godkii lagu riday, isla markaana ay u aasaan sida uu Sharciga Islaamka banneeyey.

 

Faahfaahin kooban ayaa waxaa laga bixiyey ninka u dhintay silic-dilyeyntaas foosha xun, waxana la tilmaamayaa inuu shaki ka jiro inuu ninkaasi qabay haweeneydii uu baalka ugu jiray, ee darteeda loo dilay, inkastoo la tilmaamayo inay haweeneydu ahayd mid aan la fahmi karin, oo ku talax-tegtay nidaamka Guurka loo yaqaano Qudbo-Sareedka.

 

Wararku waxay sheegayaan in ninka lagu dilay Degmada Wanle-Weyn la oran jirey Cali Maleele Cabdi "Gujow", isla markaana uu ahaa Faaliye, oo deegaan ahaan ka soo jeeda Degmadda Afgooye.

 

Sida laga soo xigtay qaar ka tirsan dhallinyaradda dilkaasi geysatay, waxay ku andacoonayaan inay Haweeneydaasi xaas tahay, una dhaxdo nin ay qaraabo yihiin, oo ku nool Qurbaha, waa sida ay hadalka u yiraahdeen dhallinyarada geystay dilkaasi.

 

Fafal danbiyeedka aan lala gabanayn iyo sharciga gacmaha lagu qaadanayo ayaa labada ka dhashay dawlad iyo nidaam la'aanta ka jirtay dalka Soomaaliya dhawr iyo tobankii sano ee la oo dhaafay .

 

WQ. Nuradin Abokor Axmed "Diini-Yare"

nuradinhaji@hotmail.com

diniyare55@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Loooooooooooool Farxan,

 

Waa marka aan la yaabo caddaalad xumada dadkeenna, hadii xataa ay goosteen inay ninkan dilaan (iyadoo ay khalad tahayba) sow may fiicnayn inay iyadana raaciyaan, ilayn muu kufsanine, sow raalli kamay ahayn oo iyadu lamay hurdin ninkan iyadoo weliba uu nin qabo. Labada iyadaaba ku fiicnayd in la garaaco waayo iyadaa la qabay iyadaana wax khiyaamaysay.

 

DADKEENOW JAAAAAHILIIIIIN DHEH . . . IGA DHAAF

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

waraa ani waxaan u maleynaa dhalinyarada wax dishay in lacag la siiyey waxaana siiyey ninka naagta qabo ee sheegayaan oo qurbaha jooga..wuxuu dhahay qaarijiya ninka ee la joogto magaladaas si uu asaga isku asturo..Hadee run sheegayan, labada in ee dilaan ee aheed which I still think in ee wrong tahay..

 

wareer badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qac Qaac   

this just adds to our crimes in Somalia.. when do they stop?

 

There are ways islamically to be dealt with fornicators and adulters and we should fallow it. the rules are the to be practiced.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

marka hore waad salamantihiin,,Odaygii qabay oo qurba ku raaga ahaa baa EEDa leh baan oran lahaa..inladilo ninkase,,waxaan umalayn it was harsh,,,the guy may not even know that she was married.!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this