Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Cuba oo soo furaneyso dhaqaatiir ay Afduubteen Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Cuba (SMN) – Dowladda Cuba ayaa sheegtay in ay ka shaqeeynayso soo badbaadinta laba dhakhtar oo jiimcihii laga afduubay M/ Mandera gobolka Waqooyiga Bari ee dalka Keny.

Madaxweynaha Cuba, Miguel Diaz-Canel ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dowladdiisa ay bixinayso dadaal aan kala go’ lahayn, si iyagoo nabad ah lagu soo celin lagaa dhaqaatiirtaasi.

Dhaqaatiirtan oo lagu kala magacaabo Assel iyo Landy ayaa waxay dowladda Kenya sheegtay in ay afduubeen rag ka tirsan Al Shabaab, xilli ay ku soo jeedeen Istbitaalka guud ee Mandera.

Wasiirka arrimaha dibadda Cuba, Bruno Rodriguez ayaa sheegay in uu Telefoon kula hadlay dhiggiisa Kenya Monica Juma, kana wada arrinsadeen tallaabooyinka ay xukuumadda Kenya qaadatay ee ku aadan soo furashada labada dhaqtar.

In ka badan 100 dhakhtar oo Cuba ka soo jeeda ayaa ka shaqeynaya Kenya, kuwaas oo safaaradda Cuba ee Nairobi ay si joogto ah ula xiriirto, si ay uga war hayso xaaladahooda.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay in ay raadinayaan kuwa afduubay, iyadoo warbaahinta dalkaasi ay baahisay Sabtidii in ugu yaraan 10 odayaal ah oo aad loo tixgeliyo ay kasoo tageen Mandera, iyagoo u aaday Soomaaliya si ay uga wada xaajoodaan sii deynta dhakhaatiirta.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan eedeynta ah in ay ka dambeeyeen afduubkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this