Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo $433 milyan ku bixiyay gargaarka Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) – War ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in 433 milyan oo dollar ay ku bixiyeen kaalmooyin bini’aadanimo oo ay siiyeen dalka sanadihii 2017 iyo 2018.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in gargaarka Mareykanka uu u soo mariyay barnaamijka cuntada aduunka ee WFP, oo ah hay’adda samafal oo Qaramada Midoobey ay leedahay.

Dad gaaraya 2 milyan oo qof oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya ayaa la gaarsiyay gargaarka Mareykanka uu dalka u soo diray labadii sano ee lasoo dhaafay.

Ugu dambeyn safaaradda ayaa xustay in Mareykanka ay ka go’an tahay sii wadista taageerada bini’aadanimo ee dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this