Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo lagu yeeshay deyn xad dhaaf ah iyo weerarada Al-Shabaab oo sabab u ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Wadanka Kenya oo kamid ah wadamada dhaca bariga Africa ayaa la daalaa dhacaya deymo xad dhaaf ah oo lagu yeeshay sanadihii lasoo dhaafay, kadib markii dalkan uu wajahay Xaalado siyaasadeed.

Warbixin dheer oo uu qoray website caan ah oo lagu magacaabo The Africa report, kana faallooda arimaha qaaradda Africa ayaa ciwaan looga dhigay “Deymaha lagu leeyahay dowladda Kenya waxay gaareen xad aan la maamuli Karin”, wuxuuna website-ku soo bandhigayaa halka ay la egtahay deymaha lagu leeyahay dowladda Kenya.

Laga soo billaabo Septembar 2018 illaa February 2019, waxaa deymaha lagu yeelanayo dowladda Kenya ku yimid koror xad dhaaf ah oo ka yaabiyay khuburada dhaqaalaha, waxaana maalin kasta ku kordhayay lacag gaareysa 16.9 milyan oo dollar.

Bankiga dhexe ee dowladda Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo CBK, ayaa shaaca ka qaaday in wadarta deymaha lagu leeyahay dowladda Kenya ay gaartay bishii Septembar 5.389 Trillion oo shilinka Kenya ah, una dhiganta 53.46 billion oo dollarka Maraykanka ah.

Sida ku cad warbixinta uu daabacay website-ka The Africa report, deymaha lagu leeyahay dowladda Kenya waxay aad u kordheen tan iyo markii Uhuru Kenyatta uu la wareegay talada wadankaas sanadkii 2013-ka, waxaana xilligaas la sahdaaliyay in deynta lagu leeyahay dowladdu ay kusii kordhi doonto lacag gaareysa 7 Trillion tan iyo sanadka 2022-da.

Screen-Shot-2019-04-09-at-13.18.59-732x3

Marka loo eego waxyaabaha keenaya kororka deymaha dowladda Kenya, waxay warbixintu sheegeysaa iney tahay musuq maasuqa jah wareeriyay siyaasadda dhaqaale ee dowladda, iyo hoos u dhaca ku yimid canshuuraha dowladdu ay qaadeysay, maadama uu hoos u dhacay dhaqaalaha guud ee wadanka.

Waxaa kaloo jirta in wadanku ay ku yaraadeen dalxiisayaasha reer galbeedka oo  si xad dhaaf ah usoo booqan jiray deegaannada xeebaha ee wadankaas, kadib markii ay lasoo gudboonaatay cabsi ku aadan dhinaca amniga gaar ahaan weerarada Al-Shabaab.

Uhuru Kenyata ayaa saxiixay heshiis ku kacaya aduun lacageed oo gaaraya balaayiin dollar, kaas oo dowladda Shiinaha ku maal gelineyso dhisamayaasha khadad ay tareennadu maraan iyo mashaariic waaweyn.

Shiinaha oo hadda lacago badan ku harqinaya dowladaha Africa ayaa lagu eedayay in wadamada dhaqaalahooda liito uu gelinayo gumeysi dadban oo dhinaca deymaha, si uu u damaanad qaado sii socoshada heshiisyada uu la galayo dowladaha Africa.

Dowladda Kenya ayaa hadda isku dayeysa iney qaado tallaabooyin ay ku dhimeyso deymaha lagu leeyahay, dhinac kalena ku kordhineyso dakhliga soo galay qasnadda dowladda, waxaana Uhuru uu ballanqaaday inuu si adag ula dagaallamayo musuq maasuqa.

Waxay sidoo kale dowladdu joojisay mashaariic horumarineed oo socday, kadib markii ay soo baxeen cadeymo muujinayo musuq-maasuq, iyadoona dhinaca kale dowladdu ay kordhisay canshuuraha laga qaado lacagaha teleefannada la isugu diro, sarrifka, shidaalka iyo adeegyada guud ee bulshada.

Ganacstada wadanka Kenya ayaa dhawaan dhigay bananbaxyo ay kaga soo horjeedaan kordhinta lagu sameeyay canshuuraha ay dowladdu qaado, waxaana meelaha ay banaanbaxyadu ka dheceen kamid ah xaafadda Islii ee magaalada Nairoobi oo ay u badanyihin jaaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Kenya.

Gebe-gebada, khubarada dhaqaalaha ka faallooda waxay sheegayaan haddii dowladda Kenya aysan ku guuleysan iney si adag ula dagaalanto musuq-maasuqa.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this