Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda diyaaradaha Imaaraadka Carabta ee Fly Dubai oo duullimaadyo caalamiya ka bilaabaysa Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo uu weheliyo wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa magaalada Dubai kulan kula qaatay madaxda shirkadda duulimaadyada ee Fly Dubai.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu sheegay Kulankaasi looga wada hadlay, sidii shirkadda Fly Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ay duulimaadyo uga samayn lahayd garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee Puntland, maadaama ay dowladda Puntland leedahay Garoomo si casri ah u dhisan laguna samayn karo duulimaadyo heer caalmi ah.

Madaxda Shirkadda Fly Dubai ayaa xustay in kulanka ay la qaateen madaxweynaha Puntland uu yahay mid muhiimad gaara u leh, ayna soo dhoweynayaan wada xaajoodka ku salaysan isku xidhka Puntland iyo Imaaraadka, waxaa ayna balan qaadeen in ay wakhti dhow duulimaadyadooda ka bilaabi doonaan Puntland.

Wasiirka wasaardda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa sidoo kale  markuu kulanku soo idlaaday, kulan kale  la yeeshay madaxda shirkadda Fly Dubai, waxyna ka wadahadleen qaabka ugu macquulsan oo ay shirkadu wadashaqayn dhow ula yeelan lahayd wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, waxaana shirkaasi kusoo dhamaaday is afgarad.

IMG_20190415_150933_019.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_20190415_151049_230.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Shirkadda diyaaradaha Imaaraadka Carabta ee Fly Dubai oo duullimaadyo caalamiya ka bilaabaysa Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this