Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Kulan La Qaatay Madaxda Ugu Sarraysa Shirkadda DP World Oo Uu Hogaaminayey Maamulaha Guud Sultan Ahmed Bin Sulayem.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay madaxda shirkadda ugu sarraysa shirkadda DP-World oo uu hogaaminayey maamulaha shirkadda Sultan Ahmed Bin Sulayem.

57319848_635945550152302_660892126075787 siciid.jpg

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada maamul gobolleedka Puntland.

Kulankan ayaa waxaa lagaga wada hadlay dhismaha iyo ballaadhinta dekedda magaalada Boosaaso, dar-dargelinta hawlaha shaqo ee dekedda iyo ka midha-dhallinta heshiiska caalamiga ah ee bud-dhigga u ah mashruucani muhiim ka ah.

Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday in ay dedejindoonto dhammaan hawla la xidhiidha dhismaha iyo ballaadhinta dekedda Boosaaso, isla’markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas ballaadhan ee lagu horumarinaayo xidhiidhka Puntland iyo Imaaraadka.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa kulankan kadib la qaatay kulamo muhiima masuuliyiinta kale ee Shirkadda DP-World, kuwaasi oo salka kuhaya dar-dargelinta dhammaystirka mashruuca dhismaha iyo ballaadhinta dekedda magaalada Boosaaso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this