Sign in to follow this  
Cowke

Golis Telecom Presents Super Gift Winners. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Shirkada Golis oo Shaacisay Dadkii Ku Guuleystay Hadiyadaha Sanadka 2010 (Sawiro)

 

Boosaaso (RBC) Shirkada isgaarsiinta Golis Telecom ayaa maanta shaacisay dadka ku guuleystay hadiyadaha sanadka 2010 ee ‘Golis Super Gift’.

 

Hadiyadahan oo isugu jira waxyaabo qaali ah oo kala duwan ayaa shirkadu waxay xaflad weyn oo maanta lagu qabtay xarunta Golis ee Boosaaso kaga dhawaaqday 114 ruux oo ku guuleystay tartan nasiib ah oo hadiyadaha shirkada ay ku heleen dad ka tirsan macaamiisha shirkada.

 

Xaflada ayaa laga shaaciyey numbero gaaraya 410, 777, waxaana dadkaasi laga dhex xulay 78, 324 oo ahaa dadkii sida saxda ah u soo diray fariimaha SMS ee ay shirkadu horey ugu dhawaaqday.

 

Masuuliyiinta shirkada ayaa markii dambe gaar ah u saaray in loo qori tuuro dadkaasi 78,324 ee ka soo dhex baxay tirada macaamiisha tartantay kuwaasi oo lagu dhex riday sanduuq weyn oo gudihiisu muuqdo, waxaana guddigu ay si nasiib ah u soo saareen 300 ruux, Waxaana saddexda boqol ugu dambeyntii laga soo reebay 114 ruux oo ahaa dadkii la siiyey hadiyadaha.

 

 

Hadiyadaha la bixiyey waxay ka koobnaayeen 1 gaari, labtop computer, qasaalada dharka lagu meyro, teleefoonada gacanta (mobiles) iyo daqiiqadaha hadalka oo qiimeyaal kala duwan leh.

 

 

Madaxa xafiiska Ganacsiga ee Golis Cumar Ciise Maxamed Cumar Faaruuq ayaa sheegay in macaamiisha guuleystay maanta dhowaan loo qaban doono xaflad weyn si abaalmarinada loogu gudoonsiiyo.

 

 

Masuuliyiinta shirkada waxay qaabka munaasabada u dhacaysay ku martiqaadeen saxaafada si ay marqaati uga noqoto habka nasiibka ah ee ay hadiyadahan ugu guuleysteen macaamiisha.

 

 

Siciid Xuseen Ciid oo ah madaxa xafiiska suuqgeynta ayaa sheegay inay dadaal u galeen sidii looga fogaan lahaa in wax khalad ahi ay ka yimaadaan tartankan oo ahaa mid furan isla markaana aan wax lacag ah dadka looga qaadin. Wuxuuna hambalyo u diray dhamaan macaamiisha guuleysatey.

 

 

Shirkada waxay xaflada maanta ka sheegtay in sanadaha soo socda ay qaban doonaan tartamo midkan ka weyn laguna soo dari doono waxyaabo kale si ay dhamaan macaamiisha uga faa’ideystaan.

 

 

Intii ay xafladu socotay waxaa khadka telefoonka kaga qeybgalay maareeyaha guud ee Golis Aadan Sheekhdoon Cali oo haatan safar dibada ah ku maqan.

 

 

Xaflada waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyry culimo, ganacsato iyo aqoonyahano ka tirsan bulshada rayidka ah isla markaana tilmaamay sida wanaagsan eetartankan Golis ay u qabatay.

 

 

RBC Radio

 

g31.jpg

 

g11-300x225.jpg

 

g41.jpg

 

g52.jpg

 

g7.jpg

 

g61.jpg

 

g111.jpg

 

g8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this