Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo amar deg deg ah dul dhigay Fahad Yaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online)-  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh ayaa soo farageliyey xiisadda ka dhex taagan Xildhibaan Zakariye iyo Ku-simaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Dahir.

Ku-simaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa ka carooday su’aal uu weydiiyey Zakariye oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, isagoo ugu hanjabay inuu dacwad ku soo oogayo, sharcigana la tiigsanayo.

Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Fahad Yaasiin ku amray inuu tixgeliyo shuruucda u yaalo Golaha Shacabka isla markaasna uu ogolaado in dooda u dhaxeysa isaga iyo Xildhibaanka loo gudbiyo Guddiga Anshaxa ee Baarlaamaanka Federaalka Soomaaliya si uu guddiga go’aan uga soo saaro.

Guddoomiyaha ayaa Fahad Yaasiin uga digay inuu dacwad ka gudbiyo Xildhibaanka taasina ay noqon doonto faragelin lagu hayo Baarlamaanka Soomaaliya.

Ku-simaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa aqbalay amarka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana arrintaan loo gudbin doonaa Guddig Anshaxa ee Baarlamaanka si ay uga doodaan muranka u dhaxeeyo Fahad iyo Xildhibaan Zakariye.

Xildhibaan Zakariye Gaashaan ayaa fadhigii su’aalo weydiinta ee Baarlamaamka oo ay ku sugnaayeen xubo uu ka mid yahay ku-simaha Agaasimaha Hay’adda NISA, si toos ah u weydiiyey Fahad Yaasiin arrimo ku saabsan Hay’adda hoggaaanka NISA xiriir la leeyahay Al-shabaab iyo sababtii xilka looga eryay taliye ku xigeenkii NISA Cabdalla Cabdalla oo sheegay in Al-shabaab ku dhex milmeen hoggaanka NISA, taasoo keentay in jawaab culus uu bixiyo Fahad Yaasiin.

Waxaa uu ka dalbaday Guddoonka Baarlamaanka inuu raalligelin ka bixiyo isla waqtigaasi haddii kale uu qaadanayo xaqa qaanuuniga ah uu leeyahay oo ah inuu dacwad ku soo oogo, wuxuuna xildhibaannada u sheegay in sababta saxaafadda loo dalbaday in laga xiro kulanka ay ahayd in arrimahaas oo kale ay dhici karaan.

“Waxaa ii muuqata Hay’adda Nabadsugida in la xurmo dareeyay in golihii dhexdiisa in su’aal noocaan la isku dhex weydiiyo.., Aniga shaqsiyan aanan u qalmin taas… hadalkaas wuxuu gef ku yahay hea’adda Nabadsugida iyo shaqsiyan aniga, waxaa codsanayaa Xildhibaanka inuu cudurdaar ka bixiyo, haddii kale xaqa qaanuuniga aan leeyahay ayaa qaadanayaa” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Ku-simaha Agaasimaha NISA ayaa difaacay xilka eryidii Jen. Cabdalla Cabdalla oo uu sheegay inuu bixiyey sir qaran, ayna arrintiisa go’aan ka gaareen Guddi anshax, sidaasina xilka looga qaaday.

Xildhibaan Zakariye ayaa diiday inuu raali gelin ka dhiibo Su’aasha uu dhibsaday Fahad Yaasiin, wuxuuna mar kale ku celiyey inuu Fahad ka jawaabo eedeynta loo soo jeediyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this