Deeq A. Posted April 15, 2019 Garowe (SMN) – Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan oo la hadlayay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in duqeyn ka dhacday nawaaxiga Tuulada Xariiro ee gobolka Bari lagu dilay Hoggaamiye ku xigeenkii Ururka Daacish ee Soomaaliya C/xakiin Dhoqob. Duqeynta ayuu sheegay Wasiir Galan in lala beegsaday gaari nuuca raaxada ah oo ay wateen Hoggaamiyahaasi iyo ruux kale oo la socday. Puntland ayaa ka dhawaajisay in ay ka go’antahay dagaal adag oo lagu qaado Al Shabaab iyo Daacish oo ku xogan goboka Bari ee maamulkaasi. Dhinaca kale ma jirto wax tafaasiil ah oo ka soo baxday Kooxda Daacish oo ay uga hadlayaan duqeyntaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Cod-Sofeysane-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites