Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumada Muuse Biixi oo ogolaatay Arrin ay hore u joojisey oo ku saabsan Socdaalka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukumada Muuse Biixi oo ogolaatay Arrin ay hore u joojisey oo ku saabsan Socdaalka Muqdisho

 wasiiro.jpg

Wararka ay helayso warbaahintu ayaa tibaxaya in Xukumada Muuse Biixi dib u aqbashay Warqada Go-home oo ay hore u joojisey, taasi oo la goosan jiray marka la tagayo Magaalada Muqdisho.

Xukumada Muuse Biixi ayaa bishii April ee sanadkii hore joojisey in bilaa Baasaboor ay kaga dhoofan garoonka Cigaal International dadyowga ku wajahan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Go’aankan ay Xukumada Muuse Biixi dib ugu aqbashay in Warqada Go-home ay goosataan dadweynaha u dhoofaya Muqdisho, ayaa loo sababeynaya in hoos u dhac weyn ku yimid dhaqdhaqaaqa & Dhaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Cigaal International, mudadii ay joojiyen in bilaa Baasaboor lagaga dhoofo.

Ilaa iyo hadda, weli war rasmi ah kama soo bixin Xukuumada Muuse Biixi, taasi oo ay ku shaacineyso inay aqbashay warqadaasi [Go-Home], balse waxa qadiyadaa Warbaahinta  u xaqiijiyey saraakiil katirsan madaarka Hargeysa in dib loo soo celiyay in bilaa Baasaboor loogu dhoofi karo magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Somaliland ayaa lumisey dadyow badan oo ka dhoofi lahaa garoonkeeda diyaaradaha Hargeysa, mudadii ay joojisey in bilaa Baasaboor loogu dhoofo magalada Muqdisho, taasi oo kaliftay in dadka reer Somaliland ee aan haysan Baasaboorka ay ka dhoofan garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, taasi oo sarre u qaaday suuqa duulimaadyada ee garoonka Garoowe.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this