Deeq A. Posted April 15, 2019 Muqdisho (SMN) – Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa ku warramaya in xalay fiidkii hore rag hubeysnaa ay rasaas ku fureen gaari la sheegay in ay la socdeen dad rayid ah. Gaariga oo ahaa Kaarib, islamarkaana ay saarnaayen illaa saddex ruux ayaa yiilay agagaarka Isgoyska Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Ilo dadka deegaanka ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in dhammaan dadkaasi ay dhinteen. Kooxaha weerarka geystay ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, walow aan la ogeyn heybtooda. Xiriiro aan la sameynay maamulka deegaanka ayaa waxa ay ka gaabsaeen in ay faah faahin ka bixiyaan dhacdadaasi. Balse arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maalimihii ugu dambeeyay howlgallo isdaba joog ah Ciidamada dowladdu ay ka wadeen Ceelasha Biyaha, waxaana saraakiisha hoggaamineysay howlgalladaasi ay shaaciyeen in deegaankaasi laga soo abaabulo weerarada iyo qarxyada ka dhaca magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites