Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho markii aad joogto ciidanka booliiska lama tuso aqoonsiyada militariga

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaan soo istaagay bar kontarool oo ku taala degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir Askari Booliis ah oo shaqada ku jiray ayaa igu amray in aan furo, dejiyo muraayadaha islamarkaana aan balaqo Albaabada hore iyo gadaal waan qaatay amarkii laysiiyay.

Markii ay dhameesteen baaritaanka ayey weydiiyeen shaqada aan qabto, anna waxan ugu jawaabay “shaqada aan qabto iska daa ee baaritaankaada dhameyso” intaas kadib ayuu i weydiiyay in aan ahay Milateri ama Nabad Sugid, waxaan ku iri “waa su’aal qaldan , waxaa xaq u leedahay in aad baarto gaariga iyo anigaba”.

Waa iga fogaaday kadibna amaanka ayuu jartay waxa uuna mid kale oo la taagnaa ku yiri kana waa Milateri waana raga ay magaalada ka dagi la’dahay ee Shabaabka soo gudbiyada, waxaan dareemay qal qal kadibna waxaan u sheegay in aanan ahayn Ciidan oo aan ahay Shacab.

Waxaan tusiyay aqoonsigayga kadibna waa isoo fasaxeen, balse ma rabin in aan la wadaago shaqadayda sababtoo ah wariyaasha dhib badan ayey ku qabaan Booliiska Soomaaliya oo ah jirdil iyo hanjabaad joogto ah, waana sababta aan u qariyay shaqadayda.

Waxaa jira dagaalo soo laa-laabtay oo u dhaxeeya Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo Booliiska oo muddo 24 saac gudahood ka dhacay 3 meel oo kala duwan. Dagaalkii ugu horeeyay ayaa ka dhacay Sanca, isagoo ku sii balaartay ilaa Maana-boolyo, kii 2aad ayaa ka dhacay Xaafadda Xoosh ee degmada Dharkenlay halkii 3aadna uu ka dhacay Xaafadda  Baar-ayaan ee degmada Yaaqshiid.

Booliiska fadhiyada Isgooysyada Muqdisho ayaa u muuqda kuwa Raadinaya Ciidamada Milateriga ah waana xaalad kale oo sii hurineysa amni darrada Muqdisho. Lama oga halka ay Saldhigan doonto dhibaatooyinka ka jir Muqdisho.

W/Q: Ibraahim Axmed Cabdulle

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this