Sign in to follow this  
Deeq A.

Hey’adaha amniga oo soo saaray digniin amni oo ku saabsan dhisme la weerari rabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –Mas’uuliyiin ka tirsan hey’adaha amniga Soomaaliya ayaa shaqsiyaad gaar ah la wadaagay digniin dhanka amniga iyo warbixin sheegaysa in weeraro ka dhici karaan magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintaan ayaa warbixinta u gudbiyay maamulka Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Ururka Haweenka Qaranka waxayna u sheegeen in ay soo gaartay warbixin sheegeysa in Al-shabaab ay damacsan yihiin in ay soo weeraraan dhismaha Guriga Hooyooyinka.
Xubnahaan katirsan hey’adaha amniga ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka baaqatay ama ay ku adkaatay in mar hore ay soo weeraraan dhismaha Hooyooyinka sida lagu ogaaday xog la helay balse ay hada dib isu abaabuleen.
Caasimada Online ayaa ogaatay in masuuliyiinta amniga ay u sheegeen Saraakiisha Booliiska iyo Milateriga Koofiya Casta in laba gaari oo qaraxyo wada ay Muqdisho ku jiraan.
Labada Gawaari ayaa mid kamid ah lagu sheegay in uu yahay nuuca waawayn ee Xamuulka qaada, halka kan kalane lagu sheegay gaari yar oo nuuca raaxada ah.
Hore ayaa sidaan oo kale loo soo saaray digniin iyo cabsi laga qabo in la soo weeraro dhismaha Guriga Hooyooyinka waxaana maalmo kadib digniintaasi la wareeray Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this