Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Qadar Oo Ku Hongawday Lacag Loo Dhigay Muuse Suudi Yalaxow.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Dowlada Qatar ay lacago aad u badan u ogoshahay hadii Senator Muuse Suudi uu ka guurayo dhulka Mariino ee ciidanka Badda Soomaaliya.

3EE2055D-DFC3-4DCA-98BC-4671AD28455C.jpeSomalia warlord Muse Sudi Yalahow (C), a member of the anti-terrorism alliance takes part in a demonstration against the Islamic Courts Union in Qobdro stadium, north of the Somalia capital Mogadishu, June 8, 2006. Warlords defeated by Islamists militia in the battle for Mogadishu are advancing back towards the Somalia capital from their stronghold of Jowhar, residents said on Thursday. REUTERS/Shebelle Media. (SOMALIA)

Sarkaal u dhow Muuse Suudi ayaa inoo sheegay inuu iska diiday xaajiga lacagahaasi, isagoo ku adkeysanaya inay sharci ku degan yihiin dhulkaasi.

Dowlada Qatar ayaa Lacago Malaayiin Dollar ah ku wareejisay Dowlada Soomaaliya si dhulkaasi ay kaga dhisato xarumo diblumaasi oo ay ku yeelaneyso Soomaaliya, balse xiisad ka dhalatay arrintan ayaan wali xal dhab ah laga gaarin maadaama Labada dhinacba ay ku goodiyeen inay awood isticmaali doonaan.

Dowlada Qatar ayaa gadaal ka riixeysa arrintan,iyadoo Dowlada Soomaaliya dhankeeda ay ka go’an tahay lacagaha laga qaaday Qatar in la celin balse dhulkaasi sidii looga saari karo Muuse Suudi iyo Shaqsiyaadka ku jira looga saaro.

Muuse oo waagisii hore looga bartay hogaamiye kooxeed leh ciidammo abaabulan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegaya in ciidamo hubeysan oo isaga ka amar qaata ay ku sugan yihiin dhulka uu degan yahay, iyadoo Shacabka degan agagaarkiisa ay walwal iyo cabsi ku joogaan halka qaarkood ay iskaga carareen.

Waxaa socda dadaalo gaba gabo maraya oo lagu doonayo in xiisadan lagu damiyo, iyadoo Muuse Suudi uu diiday lacago lagu wareejiyo iyo dhul kale oo loogu bedelo xerada marino oo sanado badan uu degan yahay.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa 11kii bishii Maarso sheegay in xaruntii Ex- Marino ee ciidammadii badda ee Soomaaliya laga dhigi doono aag diblomaasi, sidaasi darteedna dadka deggan halkaasi ay baneeeyaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this