Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Muddo Kordhin U Sameeyay Ciidmadiisa Jooga Dalka Soomaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)Todobaadkan Madaxweyne Donald Trump ayaa waxaa uu sixiixay amar fulineed oo muddo sanad ah ku kordhinaya xaaladda Deg-dega ah ee Soomaaliya, taasi oo u jeedkeeda tahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan Soomaaliya.

19AE41AD-6583-4F66-8E12-82D87BA9DFFA-102

Laakiin xitaa haddii ku dhawaaqistaani ay tahay middii ugu dambeeysay, Saraakiisha Difaaca ee Mareykanku waxaa ay sheegeen in Howlgalkooda Soomaaliya uu qaadanayo sanado in lasoo gabangabeeyo.

Dagaalka waxaa isku xiraya Ciidanka howlgaladda gaarka ah ee Mareeykanka iyagoo tababaraya Ciidanka gaarka ah ee Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan in ay ka Adkaadaan garabka Al-qaacidda ee geeska Africa.

Saraakiisha Difaaca ayaa TV-ga CNN u sheegay in howgalkooda Soomaaliya ay hadda horumar ka sameeyeen, waxayna hadalkooda ku dareen in uusan howgalka soo dhamaan doonin ilaa inta laga gaarayo Sanadka 2026-ka.

Ku dhawaad labo sano Ciidamadda gaarka ah ee Mareykanka ayaa howlgallo la sameeynayay Ciidanka Xoogga ee Soomaaliya si ay caawimaad uga geystaan Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale Mareykanku waxaa uu fuliyaa Duqaymo uu la bartilmaameedsado Al-shabaab.

TV-ga CNN ayaa daabacay in Saraakiisha Difaaca mareykanku ay qorsheenayaan in ay la kordhiyo Tiradda Ciidanka Danab ee Soomaaliya oo hadda Tiradadoodu tahay 500 oo Askari lana gaarsiiyo 3000 si ay awood buuxda ugu yeeshaan in ay Al-shabaab ka qabsadaan meelaha ay Soomaaliya ka maamulaan.

“Qorshuhu waxaa uu yahay in la dhiso Laba Urur muddo sanad ah, marka ugu dambeeysana la gaarsiiyo Shan Guuto oo leh Xarun qaybeed” ayuu CNN u sheegay Afhayeenka Talista AFRICOM Becky Farmer.

“Waxaan u maleyneeynaa in ay ku qaadan doonto Somaalida ku dhawaad Todobo Sano in ay yeeshaan Awoodaas oo dhan”. Ayuu Sarkaal xog ogaal u ah Istiraatiijiyadda argagixiso la dirirka ee Mareeykanku Soomaaliya ka leeyahay u sheegay CNN.

Mareeykanka waxaa Sooomaaliya ka jooga Ciidan u dhexeeya 500 ilaa 600 oo Askari.

Sanadkaan, ugu yaraan 255 dagaalame ayuu Mareeykanku Al-shabaab uga dilay 30 duqaymood, sida uu sheegay Taliska AFRICOM. Sanadkii 2018 kii Mareeykanku waxaa uu Soomaaliya ka fuliyay 47 duqaymood waxaana uu ku dilay 337 dagaalame. Sanadkii 2017kii 35 duqaymood ayuu fuliyay halka Sanadkii 2016kiina uu fuliyay 15 duqaymood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this