Sign in to follow this  
Deeq A.

Xanuunka Xinjirowga Xididdada Dhiigga: Baro Deep Vein Thrombosis. “Falanqeyn Kooban”.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hordhac: “”””””””””””””” Ugu horreyn, xannuunka Xinjirowga Xididdada Dhiiga Aadmiga oo caadiyan Afka qalaad loogu yeedho “DVT”. Waxa la arkaa marka dhiigga Aadmigu ku xinjiroobo guddaha xididdada dhiigga qaada. Ka dib marka ay gaatumo ama guntimo xinjiro ahi ku sameysmaan gunta hoose ee xididdada Afdimada, Gacmaha, Uur-jiifta iwm. 

B833A521-AD23-4D74-9BE6-52883AA11B45.jpe

Inta badan xanuunka Xinjirawga ayaa aadmiga ka asiiba xididdada Addimada. Kaasi oo u sii gudba xididdada waaweyn ee addimada. Run ahaantii, guntimaha ama faliidhada xinjiruhu waxay ku tarmaan aagga miskaha bukaanka “Pelvic area”, siiba dhinaca bawdyaha “Femoral area”.

F.G: Fadlan hadaad isku aragto xaaladdaha sare ku sheegan la xishiidh Dhakhtar. Waayo waa calaamado haddaan lagaa daaweyn halis ku ah caafimaadkaaga. 

Calaamaddaha Xinjirawga Addimada “Symptoms of DVT”:
“”””””””””””””””””””””””””””””
▪ Aaddin Barar ama Addimo barar “Swelling in one or both legs”.
▪Garaac iyo Adkaansho Seedaha Addinka ama Addimada “Pain or tenderness in one or both legs”.
▪Diiranaanta Maqaarka Addimada “Warm skin on your leg”.
▪Casaan/Midab la’aan lagu arko maqaarka Addimada “Red or discolored skin on your legs”.
▪Bararka Xididdada Addimada oo ay weheliyaan casaan, iyo adkaansho, taabashada gacanta lagu dareemi karo. 

F.G: Waxa suurtagal ah kaatumaha xinjirowga dhiiggu ay kala faliidhmaan . Ka dibna ay u socdaalaan sambabbada oo ay keennaan xanuun la yidhaa Pulmonary Embolism. 

Muunadda Baadhitaannadda: 
“””””””””””””””””””””””””””””””””””””””
▪Dhiig “Whole blood with Trisomdium”

Baadhitaannada

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this