Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee looga hortagi karaa dilalka ay Askartu u gaysato Bajaajleyda magaalada Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Sidee looga hortagi karaa dilalka ay Askartu u gaysato Bajaajleyda magaalada Muqdisho?

Hordhac

Qormada waxaan ku falanqeyn doonaa xaalka amni ee magaalada muqdisho gaar ahaan dilalka ay gaystaan ciidamada boolisku , dilalkan oo u muuqda is fahan waa iyo wada-shaqeyn la,aanta booliska iyo bulshada si kastaba ha noqotee waxaan qormadan ku iftiimin doonaa xalka looga hortagi karo dilalka ay boolisku u geystaan shacbiga magaalada kuwaas oo meesha ka saari karta kalsoonida iyo wada-shaqeynta wayda hada ah .
Sidee looga hortagi karaa dilalka ay askartu u gaysao bajaajleyda magaalada muqdisho?
Hordhac
Waxaa soo badanaya dilalka ay boolisku u geystaan shacbiga gaar ahaan bajaajleyda waliba xiliyada ay dawladu shaaciso hawlada lagula dagaalamayo kooxda nabad-diidka ee Alshabaab . Si kastaba ha noqotee hawlgalada aan midho dhalka ahayn ee dawlada fadaralku samayso ayaa galaafta badi dhalinyada bajaajleyda.
Sobabaha Loo Aanayn karo dilalka ay ciidanku u gaystaan wadayaasha bajaajta
Sida badi la qabo waxaa sabab u ah arimo dhawr ah kuwaas oo salka ku haya gaabis ama fahan yari dhex taal laamaha amniga iyo bulshada waxaana ka mid ah
Barnaamij isdhexgal oo booliska iyo bulshada oo aan jirin
Istaratajiyad ama qorshe amni oo qoran oo aan jirin marka laga reebo hawl galada
Madaxda hay,addaha amni oo aan haysan kibrad ku filan oo dhanka amniga ah
Xalka lagaga hortagi karo dilalka iyo Isfahan waaga dhex mara booliska iyo bulshada
Si xal waara loogu helo ayaa noqonaysa in ay jirto qorshe ama istaratijad amni oo qoran taas oo qayaxan lehna masuuliyad iyo isla xisaabtan dhanka hay,addaha amniga sidoo kale in la hirgaliyo ama loo qabto booliska toobaro lagu barayo qaabka ugu wanaagsan ee shacabka loola dhaqmo iyo iyadoo la hirgaliyo barnaamijka isdhexgalka booliska iyo bulshada ( Community Policing )

Dhamaad
Contact
Abdirahman Ya’Qub Hassan
Security Analyzer
Jacobhassam@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this