Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiye ku-xigeeknkii Daacishta Soomaaliya oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdismad Maxamed Gallan ayaa sheegay in duqeyn maanta ka dhacday Tuulada Xiriiro oo 3KM u jirta Degmada Isku Shuban ee Gobolka Bari lagu dilay madax ka tirsan Kooxda Daacish.

Galan ayaa sheegay in duhurnimadii Maanta oo Axad ah duqeyntaas lala eegtay gaari uu watay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob iyo ku xigeenkiisa oo la socday.

Waxa uu intaa ku daray in gaari nuuca raaxada ah oo uu watay ku xigeenka Daacish in lagu burburiyay duqeynta.

Ma sheegin cidda geysatay ama fulisay, balse maalmihii dambe Mareykanka ayaa kordhiyay Howlgalada duqeynta ah ee uu ka geysto Deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

Dadka tuulada Xiriiro ayaa xaqiijiyay in ay maqleen dhawaqa duqeynta, inkasta oo ay sheegeen in aysan garaneen cidda lala eegtay.

Ma jiro war kasoo baxay Kooxda Daacish oo ay kaga hadlayaan duqeyntaan Maamulka Puntland uu sheegay in looga dilay Gudoomiye ku xigeenkooda iyo kusii xigeenkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this