Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Fahad Yaasiin oo raali-gelin ka dalbaday ‘su’aal shaqsi ah oo lagu’ weydiiyey kulankii BF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin ayaa ka carooday su’aallo shaqsi ah oo kulankii baarlamanka ee maanta uu ku weydiiyey Xildhibaan Zakariye Gaashaan.

Su’aasha xildhibaan Zakariye ayaa la xiriirtay xil ka qaadistii lagu sameeyey taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla iyo eedeymaha Fahad loo jeediyo.

Fahad ayaa ku jawaabay in su’aalaha noocan ah ay qalad iyo gef ku yihiin magaca hay’adda qaranka ee NISA, wuxuuna ka dalbaday guddoonka inuu xildhibaanka raalli gelin ka bixiyo, haddii kale uu qaadanayo xaqa qaanuuniga ah uu leeyahay.

“Aad ayey ii dhibaysaa in nin xildhibaan ah uu hadalkan ku hadlay, oo xitaa qof kale uu kasoo xigtay oo aysan ahayn wax uu isaga baaritaan ku sameeyey” ayuu yiri Fahad.

Waxa uu sheegay in su’aasha xildhibaan Zakariye ay xurmo darro ku tahay hay’adda nabad-sugidda, islamarkaana golaha baarlamanka uusan u qalmin in su’aal noocan oo kale ah la isku dhex-weydiiyo.

Hoos ka dhageyso Fahad oo ka jawaabaya arrintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this