Deeq A. Posted April 14, 2019 Muqdisho (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay soo afjari doonto howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo tababarka ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya marka la gaaro 2026. Saraakiil ka tirsan Wasaaraadda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu saxiixay qorshahan, iyadoo ay wali jirto khatarta ku wajahan amniga Soomaaliya. Labadii sano ee lasoo dhaafay Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha dhanka cirka ah ee Soomaaliya, iyadoo ciidamo American ah ay ka qeyb qaadanayeen howlgalka dhulka ee laga fulinayo goobaha ay Al-Shabab maamusho. Wasaaradda difaaca Mareykanka Mareykanka ayaa sheegtay inay tababareen ciidamo gaar ah oo lagu magacaabo Danab, kuwaasoo ka kooban 3,000 oo Askari oo awood u leh sida ay sheegeen inay Al-Shabab ka saareen degaanada ay ku sugan yihiin. Ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee Mareykanka Navy SEAL ayaa sanadihii lasoo dhafay tababar siinayaay Askarta DANAB, oo inta badan ay howlgallada qorsheysan isla fuliyaan. Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dalalka reer galbeedka ee ka caawinaya Soomaaliya dib u dhiska ciidamada iyo la dagaalanka Al-Shabaab, waxaana ay tababar siiyaan ciidamda xoogga dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites