Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (SMN) – Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay xubno ka tirsan maamulkaasi.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Biixi ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii looga qaaday Cawaale Ibraahim Shirwac oo ahaa wasiirkii wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Somaliland.

Sidoo kale waxaa xilkii laga xayuubiyay Axmed Xasan Cigaal oo maamulkaasi wakiil uga ahaa Itoobiya.

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland ayaa isla wareegtadan ku magacaabay masuuliyiin cusub.

1 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta

2 Cumar Cali Cabdullahi Bade wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka.

3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax wasiirka ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha.

4 Salaan Xasan Kayd Cabdulle ayaa isna loo macagaabay wakiilka maamulka Somaliland ee Itoobiya.

Bishii hore ee March ayey aheyd markii, xilka qaadis lagu sameeyay wasiirkii WarfaafintaSomaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri Barwaaqo), Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle wasiirkii hore ee Gaashaandhigga iyo Maxamed Muuse Abees oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee Warfaafinta Somaliland, waxaana masu’uuliyiintaasi lagu eedeeyay in ay ku kaceen arrimo la xariiqa Musuq-maasuq.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this