Sign in to follow this  
Deeq A.

Salaad Cali Jeelle oo ka hadlay amniga iyo dooda G/Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Salaad Cali Jeelle oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa si kulul uga hadlay xaaladda Amni ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Siyaasiga Salaad Jeelle ayaa carabka ku dhuftay in Al Shabaab ay ka faa’iideysanayaan xubnaha Mucaaradka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay jiraan siyaasiyiin iyo dowlado shisheeye oo ku howlan duminta Qaranka, isaga oo abaaray dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.

Ugu dambeyn Siyaasiga caanka ah ee Salaad Cali Jeelle ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan siyaasiyiin badan oo  sugi la’ muddada xil heynta dowladda hadda jirta.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Jelle.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this