Deeq A. Posted April 14, 2019 Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Xukuumadiisa, waxyar un kadib markii uu maanta qaar kamid ah bulshada reer Hargeysa la tukaday salaad Roob-doona. Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-293/042019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Xil ka Qaadis Ku: Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Wareegto Madaxweyne. Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL Share this post Link to post Share on other sites