Deeq A. Posted April 14, 2019 Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan hal Qof ayaa dhintay mid kalena, dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii uu ku soo dumay dhismo ka socday Garoonka kubadda cagta Jaamacadaha oo ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay darbigan ayaa ahaa shaqaale dhismo cusub ka waday qeybta VIP-da ee garoonkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadashay Shabelle ayaa ka warbixisay dhacdadaasi. Waxana ay sheegtay in shaqaaluhu ay ahaayeen saddex, islamarkaana dhismaha uu ka badbaaday mid ka mid ah, halka labada kale midna uu dhintay, mid kalena uu soo gaaray dhaawac halis ah. Garoonka Jaamacadaha oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa ka mid ah garoomada kubadda cagta ee ku yaalla magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Cod-Jimcale-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites