Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliiska Puntland oo taliyaal cusub magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
Mukhtaar.jpg?w=1000&ssl=1Taliyaha Kantaroolka Boosaaso Mukhtaar Gaagaale

Taliyaha ciidanka Booliiska dowladda Puntland, S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa taliyaal cusub u magacaabay kantaroolka magaalada Boosaaso iyo taliska saldhiga Baalade.

Taliyaha Rugta kantaroolka magaalada Boosaaso ayaa loo magacaabay, Dhamme Mukhtaar Axmed Faarax (Gaagaale), halka ku xigeenkiisa loo magacaabay, Xiddigle Axmed Ciise Ducaale, sida ku cad dikreeto ka soo baxday xafiiska taliyaha Booliiska Puntland.

Sidoo kale, Xiddigle Cabdirashiid Salaad Maxamed ayaa loo magacaabay, taliyaha saldhiga Booliiska xaafadda Baalade ee magaalada Boosaaso.

Halkaan ka akhriso

MAGACAABISTA.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Taliyaha Booliiska Puntland oo taliyaal cusub magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this