Deeq A. Posted April 14, 2019 Taliyaha Kantaroolka Boosaaso Mukhtaar Gaagaale Taliyaha ciidanka Booliiska dowladda Puntland, S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa taliyaal cusub u magacaabay kantaroolka magaalada Boosaaso iyo taliska saldhiga Baalade. Taliyaha Rugta kantaroolka magaalada Boosaaso ayaa loo magacaabay, Dhamme Mukhtaar Axmed Faarax (Gaagaale), halka ku xigeenkiisa loo magacaabay, Xiddigle Axmed Ciise Ducaale, sida ku cad dikreeto ka soo baxday xafiiska taliyaha Booliiska Puntland. Sidoo kale, Xiddigle Cabdirashiid Salaad Maxamed ayaa loo magacaabay, taliyaha saldhiga Booliiska xaafadda Baalade ee magaalada Boosaaso. Halkaan ka akhriso PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Taliyaha Booliiska Puntland oo taliyaal cusub magacaabay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites