Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Ingiriiska Oo Lagu Dhalliilay Lacago Ay Ku Taageerto Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Wargeyska Ingiriiska ee The Telegraph ayaa xukuumadda UK ku dhalliilay in ay cashuurta laga qaado bulshada Ingiriiska ay ku bixinayso maxkamado aanay xukunkoodu caddaalad sal ku lahayn oo ay kuwa Somaliland ku jiraan.

Wargeysku wuxuu sheegay in ay lacagtaas dawladda Ingiriisku si sir ah ugu bixiso maxkamado xukunkoodu mushkilad ku yahay xuquuqal iisaanka kuwaas oo kiisas yaryar wax weyn ka dhiga iyaga oo adeegsanaya la dagaallanka Argagixisada.

“Lacag badan oo cashuur Bixiye waxaa lagu kharash gareeya dalka Bariga Afrika ku yaalla ee Somaliland, halkaas oo 2.4 Milyan oo Euro loo qoondeeyay dib u habaynta maxkamadaha,” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta Telegraph.

Waxa uu wargeysku sheegay in dadka tacadiyadu gaadheen ay ka mid yihiin suxufiyiin, qoraayo iyo gabayaa “Maxamed Kayse Maxamuud waxaa la yidhi waxa uu 18 bilood u xidhna aflagaadayn madaxweynaha Qaranka oo uu boggiisa Facebook ku qoray ‘madaxweynuhu waa local maaha madaxweyne Qaran,” Sidaas ayuu wargeysku tusaale u soo qaatay.

Halkan hoose ka akhriso warka uu wargeysku qoray

https://www.telegraph.co.uk/news/2019/04/13/uk-taxpayers-funding-torture-executions-government-secretly/

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this