Sign in to follow this  
Deeq A.

Macalinkii Puntland U Qaaday Koobkii Maamul Goboleedyada Oo Loo Mgaacaabay  Xil Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Maamulka Puntland Jaamac Faarax Muuse ayaa wareegto kasoo baxda xafiiskiisa lagu qeexay in guddomiyaha xiriirka kubbadda cagta Puntland loo magacaabay Maxamed Cali Ciise (Ciiro) oo horay u ahaa tababarihii kooxda Puntland ee intii u dhaxaysay sanadihii 2016-2017,isagoo kooxda u qaaday koobkii 1aad ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

471820_123260941133356_80788301_o-300x22

Horay waxaa guddomiyaha xiriika kubbadda cagta Puntland u ahaa Mustaf Cabdiraxmaan Xasan (Majacase) oo iminka ah madaxda tartamada xiriirka kubbadda cagta Puntland.

49085531_2267990663486730_74568741972858

Wareegtada kasoo baxda xafiiska wasiir Jaamac Faarax ayaa lagu magacaabay ilaa shan qof kuwaas oo loo dhiibiyay xilal kala gedisan oo xiriika kubbadda cagta Puntland,iyagoo shaqeyndoono mudo hal sano iyo afar bilood.

56759206_2686113964748701_10125534650433

“Waan ku kalsoonahay aqoonta iyo tayada shaqsiyaadka aan u magacaabay xilalka kala duwan ee Xiriirka kubadda cagta Puntland waxay haystaan mudo sanad iyo afar bilood waxaana kawada sugaynaa in ay la yimaadaan horomarinta iyo dhisida xiriirka kubbadda cagta Puntland”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland Jaamac Faarax Muuse.

w4-300x212.jpg

Liiska Loo Magacaabay Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland

Maxamed Cali Ciise (Ciiro) – Guddomiyaha Xiriika Kubbadda Cagta Puntland

26994307_1457135471079223_49899885686936

Cabdiqani Cabdiraxmaan Faarax –Guddomiye Ku Xigeenka Xiriika Kubbadda Cagta Puntland

56949253_2461666080534206_22184985184677

Mustaf Cabdiraxmaan Xasan (Majacase)-Madaxa Tartamada Xiriika Kubbadda Cagta Puntland

31108350_2076767302609068_48122628229526

Cabdi Xakiim Saciid Muuse – Madaxa Farsamada Xiriika Kubbadda Cagta Puntland

36513665_410153339501016_740173074710029

Xasan Bare Ducaale-      Madaxa Maaliyada Xiriika Kubbadda Cagta Puntland

13412871_173240243078826_262891312792783

“Is badalka waqti kasto ayaa loo baahan yahay Puntland waxaa laga heli karaa dhalinyaro badan oo tayo wanaagsan kuwaas oo door wacan ka ciyaari kara kobaca iyo natiijooyinka xulka Qaranka Soomaaliya waxaan sugnaba waa dardar gelinta howlaha adag ee horyaal mas’uuliyeenta la magacaabay waxaa sidaas Goobjoog u sheegay guddomiye ku xigeenka 2aad ee xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta C/llahi Sheekh Nuur Axmed.

855A9718.MOV.07_15_11_18.Still001-780x40

Maxamed Cali Ciise (Ciiro) waa macalinkii kooxda Puntland u suura geliyay hanashada tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir markii ugu horeesay ee la qabtay sanadii 2016,isagoo kolkaa ka qaaday kooxda Jubaland,halka sanadii 2017 uu  isla kooxda soo gaarsiiyay kama dambeysta koobka waxaana ka hantay xidigaha kooxda Jubaland.

IMG_9533-300x200.jpg

“Wuu mahad sanyahay wasiirn Jamaac iyo intii kale ee ka shaqaysay howshan anagoo wadajir ah ayaan isku kaashanayna horomarinta iyo kor u qaadida dhismaha xiriirka kubbadda cagta Puntland si sanadaha aadan aan u gaarno guulo waaweyn oo wax ku ool ah”waxaa Goobjoog Sports sheegay guddomiyaha cusub ee xiriika kubbadda cagta Puntland Maxamed Cali Ciise.

13882164_973382272787881_671457744674816

Si kastaba bilihii lasoo dhaafay waxaa maamulka Puntland ka socday dardar gelinta dhismayaasha iyo horomarinta garoomada kubbadda cagta dhalinyarada deegaanka ayaa arintan soo dhaeeyay,iyagoo guul u rajeeyay madaxda cusub ee xiriika kubbadda cagta Puntland.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this