Sign in to follow this  
Deeq A.

Immisa sano ayay Mareykanka ku qaadaneysaa dagaalka ciidamadooda kula jiraan Al Shabaab?

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online)-Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa ka hadlay inta ciidamada Mareykanka ku qaadan karto howlgalka ay kula dagaalamayaan ururka Al SHabaab.

Madaxweyne Donald Trump ayaa todobaadkii hore saxiixay waqti kordhin iyo balaarinta howlgalka ciidamada Mareykanka ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya iyo tababarka ay siinayaan ciidamada DANAB ee dowladda Soomaaliya.

Saraakiil u hadashay ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa sheegay in ku dhawaad 7 sano oo hadda dhiman ay ku qaadan doonto ciidamada Mareykanka dagaalka ay kula jiraan ciidamada Al Shabaab.

Saraakiisha oo la hadashay TV-ga CNN ayaa sheegay in howlgalkooda uu idlaan karo sanadka 2026, taasi oo ka dhigan Todobo sano oo hadda dhiman.

Ciidamada Mareykanka ayaa dagaal adag kula jira Al Shabaab waxaana ay xarun weyn ku leeyihiin xaruntii ciidamada Cirka Soomaaliya ee Bali doogle, iyaga oo halkaasi ka qaada weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Qorshaha madaxweyne Trump waxaa qeyb ka ah tababarka ciidamada DANAB oo la kordhinayo iyo weerarada dhanka cirka oo la labo jibaari doono, sida saraakiisha ciidamada Africom u hadashay ay sheegeen.

Ciidamada DANAB oo hadda gaaraya 500 oo askari ayaa la gaarsiin doonaa ku dhawaad 3000 oo askari, kuwaasi oo qeyb ka noqon doono howlgalka dhanka dhulka oo si wadajir ah ay u sameyn doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka.

Becky Farmer oo ah afhayeen ka tirsan ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka 255 xubnood ay ku dileen inka badan 30 duqeyn oo ay ka fuliyeen gobolada dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this